Aamina bint Wahb (ingiriis: Amina bint Wahb; carabi: ﺁﻣﻨﺔ ﺑﻨﺖﻭﻫﺐ, "ʼĀminah bint Wahb" "Amina bint Wahb") ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas ee dhulka Carabiya[1] markuu wakhtigu ahaa 549 C.D taasi oo u dhiganta 83/84 sano ka hor Hijrada, waa hooyada Nabi Muxamad scw waxeyna ka dhalatay qabiilka reer banii zuhra ee ka midka ah beel-waynta reer Quraysheed ee deegaanka ku ah magaalada Makka ee deegaanka Xijaas[2] dhulka Carabiya (maanta ah wadanka Sacuudi Carabiya). Markeey taariikhdu ahayd Luulyo, 570 C.D - Janaayo, 571 C.D Aamina waxaa guursaday Cabdillahi ibn Cabdi al Mudalib oo ay u dhashay wiil nool Nebi Muxamed ku abtirsado.[3]

Aamina waxay dhimatey markeey taariikhdu ahayd 577 C.D (taasi oo u dhiganta Dulhijja -46 Hijrad ka hor). Waxaa lagu aasay Al-Abwa, ee magaalada Madina Munawwara, ee dalka Sacuudi Carabiya.[4]

Xigasho

  1. "ingiriis: Amina bint Wahb; carabi: ﺁﻣﻨﺔ ﺑﻨﺖﻭﻫﺐ, "ʼĀminah bint Wahb" "Amina bint Wahb""
  2. "banu Haashim ee ka midka ah beel-waynta reer Quraysheed ee deegaanka ku ah magaalada Makka"
  3. "Nebi Muxamed"
  4. "Darun-Nabiya, ee magaalada Madina Munawwara, ee dalka Sacuudi Carabiya"


Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.