Beerxaana Waa Degmo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose. waxaanna degan beesha Gaàljececel oo ka mid ah beel weynta Geeljecel. Waa degmo xaga beeraha iyo xoolo dhaqashada aad ugu wanaagsan, waxeyna u dhowdahay magaala madaxda gobolka ee Kismaayo. waa meesha looga Keeno waxyaabaha asaasiga u ah nolosha magaalada Kismaayo sida caanaha, dalaga beeraha qeybahiisa kala duwan, dhuxusha iwm. Degmada waxaa ku yaala suuqa ugu weyn oo lagu iibiya xoolaha. Dadka ku dhaqan degmadan waxaa lagu yaqiin waxbarashada diinta suuban ee islaamka. Degmada waxaay dhaqaalaheeda ugu badan ka hesha xoolaha sida geela, lo'oda iyo ariga. Degmadan waxaa ku dhashay masuuliyiin oo Badan Oo Beesha Gaaljecel ahMasuuliyiin iyo Culima sare sida: 1. Suldan Xasan Nuur Caddoow (Diini) 2. Cali maxamed Nuur (Cali Daacad) 3. Suldaan maxamed carab 4. Cumar Dhinbil 5. Suldaan maxamed Cali ( uurxuub) 6.Xaaji Cabdirisaaq 7. Sheikh Cabdullaahi Baalbayeeri 8. Aden Ibrahim xaaji 9. Halgamaa coloneel maxamed Buule 10.suldaan xasan Ibrahim muudeey 11. Halgamaa Ibraahim Hurug 12. Eng. Cabdullaahi Cabdi (Jacel) 13. Halgamaa AadanDhaay 14. Ahmed Nagaar joogoow 15. Maxamed Biibaay 16. DR MOHAMED SUUFI CABDI SANAY 17. Xaaji Maxamed (Gaabow) 18. GANACSADE XASAN BANAD 19. Cabdullaahi Aadan Shaacir 20. AQOONYAHAN Abdullahi American 21. Dr mohamed Afkuul 22. Suldaan Rashiid Dhurre Omar 22. Ganacsade xuseen Ibrahim xuseen madoobe 24. Taliye Mahad Cabdi (Faragurow) 25. Cabey Sankuus 26. Col. Cabaas Cadow 27. Caaqil Maxamed kuuloow qeeyleey 28. Halaman Dagaay qaylee

DAGAAY QAYLEEYwaxaa uu caan ku ahaa la dagaallanka tuugada Seyyid Maxamed Cabdille Xassan oo isku dayi jiray inuu dhaca xoolaha sida geela ay lahaayeen beesha Gaaljecel gaar ahaan DOORWAAQA DARISANE IYO Doqondiide. DAHAAY QEYLEEY ,WEEDOW WARANLE iyo Rooble Koroor taariikh geesinimo ayey ku leeyihiin beesha gaaljecel iyagoo si geesinimo leh u difaacay xoolahooda. Waxa la sheegay Ragaas gaar ahaan beel hooseedka Garaar ay zaaid ugu halgameen la dagaallanka burcadda iyo tuugada caadeystay inay dhacaan xoolaha beesha gaaljecel. Aragtida Ragaan waxay ilmaha ka soo ridi jirtay haweenka uurka leh, nimankana sida dumarka ayey dharka dumarka u xiran jireen cabsi ay ka qabaan.

Sidaa darteed beel hooseedka Garaar waxaa lagu yaqaannaa inay yihiin dad aan gaban, cabsina aan aqoon. Taariikhda ayaan la qorin maadaama ay ku howlanaayeen dagaal. Inta badanna ay ahaayeen dad aan waxba qorin balse qori iyo gammuun ku dagaallamo.

Beerxaano waxay kismayo u jirtaa 53 km woqooyi Degmada waxaa hoos yimaada tuulooyin badan sida: 1. Qabri shariif 2.Dhalaja 3.Kubikibir 4.faaf garseey 5.Qotey gaduud 6.Ceel cad 7.Canjeel 8.Hararmiin 9.Hareeri Balaa 10.Galool shimbi 11.Libi kuus 12.Nambar 13. Awoodan 14. Kaam jaroon 15. Buula xaaji 16. Yaaq shiniile 17.Janaa Cabdalla 18. Shabac 19. Xaar Xaar 20.Ool oole 21. Kaliil 22. Murush 23.Yaaq Raar 24. Birta Dheer 25.Yaaq Dabeel 26.dharkeenaruur 27.yaaqxaluul 28.cabdidhoore 29.gaabowgabdhoole 30.afnool 31.habaaqaa 32.yaaqacalaan