Caynaan (Af Ingiriis : Ainan; Af Carabi : ar‎) waa magac Soomaaliyeed kaasi oo loo bixiyo ragga.

Dabayaaqadii bishii February 1996, waxaa degmada Caynaba shir uga furmay beelaha Bariga Burco. Shirkaas oo loo bixiyay “Caynaan” wuxuu idlaaday 14-kii April 1996. Waxa lagu doortay 33 xubnood oo guddi ah oo loo bixiyey “Hoggaan.” Waxa Guddoomiyaha Guddida loo doortay Cismaan Maxamuud Jaamac (Dawiil) oo ahaa nin aad u caqli badan xeer beegtina ah.

Qodobbadii shirkaa ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in ay beeshaasi hormuud ka noqoto nabadaynta iyo soo-af-jaridda colaadda ka oogan Somaliland. Shirkaas Caynaan waxa ku xigay shirarkii Nabadaynta ee Beer, Duruqsi, iyo Shirweynihii Beelaha Soomaalilaan ee Hargeysa. Halkaas oo Madaxweyne loogu doortay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal November 23-1997.

Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.

Tixraac

waa magac loo bixiyo qof hogamiye ah ama calanka dagaalka qaada