Sidoo kale fiiri olol
Dabka waxaa keeni kara heerkulka oo sare u kaca iyo ileys aad u kulul.

Dab (Ingiriis: Fire) waa falgalka Ogsajiin iyo kimikooyin kale oo isqabsadey isla markaana bixinaya ololaya. Dabka waxaa keeni kara heerkulka oo sare u kaca iyo ileys aad u kulul.

Ereyga Olol iyo Dab weey kala duwan yihiin. Ololku waa holac kooban, halka dabku yahay olol aad u badan.

Walxaha dabka bilaaba waxaa ka mid ah Kabriidka.

Madaxa sare ee Taraqa waa barta biloowda ololka dabka.


Taariikhda Dabka

Taraqa waxa la isticmaalaya in ka badan 1500 oo sano.

Sida taariikh-yahanadu sheegeen waxaa la isticmaali jirey tan iyo bilowgii ilbaxnimada bani-aadamka.

Noocyada Dabka

Dunida casriga ah maanta Waxaa jira noocyo badan oo dab ah kuwaasi oo loo isticmaalo siyaabo kala duwan.

Sidoo kale markaan ka hadleeyno dabka caadiga ah Waxaa loo qeeybin karaa dhowr nooc kuwaasi Waxaa ka mid ah:

Isticmaalka Dabka

Dabku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dadku ugu horbarteen taasi oo la isticmaali jirey in ka badan 10 kun sano. Isticmaalka koowaad ee aadamaha ugu muhiimsanaa waa in dabka lagu diyaariyo cuntada, la iskaga difaaco bahalada iyo ugaadha iyo in iftiin laga helo wakhtiga dhulku madoowga yahay.

Faa'iidada & Khasaaraha Dabka

Dabku waa halis wuxuuna si fudud u burburiyaa wax badan. Ololka dabku waxaa caawisa hawada ogasajiinta wuxuuna si degdeg ah ugu fidaa agagaarkiisa taasi oo waxyeelo iyo khasaaro naf iyo maalba leh ku keeni karta dadka.

Qoraalo Kale

Tixraac