Dagmada Hobyo Waa Dagmo ka mid ah dagmooyinka gobolka mudug, waana degmada ugu weyn uguna qadiimsan degmooyimka gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Degmada Hobyo waxa iska leh oo degan bee𝚜𝚑𝚊 Sacad.

Magaca Hobyo lama hubo sida uu ku baxay, hasayeeshe waxaa la sheegay in magacaas oo ah mid da’ weyn in loo maleynayo inuu ka yimid laba ereay oo kala ah: “ Hoo Biyoh” sababtoo ah magaalada dhulka xeebta ah ayaa biyo aad u macaan oo wax ka yar laba cagood lagu gaaro. Hobyo waa marso dabiici ah oo ganacsi iyo xiriir dheer la soo lahayd dalalka kulaala Bad Weynta Hindiya iyo Khaliijka,Carbeed . 

Hobyo waa magaalo qadiimi ah qarniyo dhisan waa magaalo dhismo qadiimi ah leh. Waxaa ku aasan odaygii Sacad Siciid ahaa iyo awlaadiisa siiba Cawareere, halka uu Cabdalle ku aasan yahay degmada boondheere ee magaalada muqdisho.

Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.

Waa magaalo xeebeed qurux badan.

Ku taalla Bartamaha Somaliya.