Keyn

Keyn ka kooban geedo kala duwan

Keyn wadarteeda loo yaqaano Keymo (ingiriis: Forest) waa dhul baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyo cows badan leh, kuwaas oo dabiici ama dad-beer ah. Tiro badan oo dhir nooceeda, dhererkeeda iyo qaradeedu kala duwan tahay ayaa noqonaysa Keyn.

Oogada sare ee dhulka waxaa ku yaala keymo aad u badan kuwaas oo ku fadhiya 9.4% dhulka dunida. Si kale hadaan u dhigno keymuhu waxay qariyaan 30% dhulka qalalan ee dunida.

Intaas uun kuma koobna ee waxaa jira keymo biyaha ku dhex yaala. Waxaa ka mid ah keynta kelp.

Keymaha Kelp ee biyaha ka dhex baxa.

Keymaha dunida ugu weyn waxaa ka mid ah Keynta Tayga ee ku fidsan labo qaaradood, taas oo ka soo bilaabanta Kanada kuna fidsan dhamaan wadanka Ruushka, iyo Rainforest oo ku taala wadanka Brasil ee Koonfur Ameerika.

Qeybaha Keymaha

Keymaha alwaaxa ee dhaadheer.

Ayadoo la tixraacayo qaab-dhismeedka, dhererka, caleenta, alwaaxa, deegaanka iyo cimilada geedka ayaa Keymaha waxaa loo kala saaraa 28 qeybood.

Keymaha dhererka gaaban leh.



Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.