Boondheere
بونديرئ
Boondheere is located in Somalia
Boondheere
Boondheere
waxay Boondheere ku taalaa Somalia ama
DalkaSoomaaliya
GobolBanaadir (BN)
DegmoBoondheere, Muqdisho
Waaxyaha* Daljirka, Nasiib buundo, Ceel aw-Muude, Ceel Xaaji Haruur, Nabada kuwo kale
Dowlada
 • DuqaQaasim Cabdulle Xasan (Gudoomiyaha Degmada Boondheere)
Area
45 km2 (17 sq mi)
Joogga
5 m (16 ft)
Tirada dadka
(2012)
 • Dhammaan167,854 qof
Magac kaleRee Boondheere
Aag saacadeedUTC+3 (UTC)
 • Xagaa (DST)UTC+3 (UTC)
Thiinada Boostada
10003
Thiinada TelHertel 064, Telecom 021 Nationlink 043
CiidahaCiid Weyney iyo Ciid Yarey iww
Maalinta Ciidda10-ka Carafo iyo 1da Soon Fur iwm
WebsiteMareegta internetka
E-mail dc.boondheere@mogadishucity.net

Boondheere (Af Carabi : ar‎) waa degmo qadiimi ah oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ee wadanka Soomaaliya. Degmadan waxaa mara Wadooyinka kala ah: Waddada Jenaraal Daa'uud oo Boondheere ka marta dhinaca Degmada Wardhiigley. Waddada Jubadda Sare oo marta dhinaca Degmada Shibis. Waddada Ummada ama sida loo yaqaan "Wadnaha" oo marta dhinaca Degmada Yaaqshiid. Waddada Jubadda Hoose oo marta dhinaca Degmada Shingaani. Waddada Nasiib Buundo oo Degmada Boondheere kala qeybisa iyo Waddada Shabeelle ee xuduudka u ah Degmooyinka Boondheere iyo Xamarweyne.

Xaafadaha Boondheere

Xaafadaha Degmada ka kooban tahay waxay kala yihiin:

Kubaddaha Cagta & Koleyga (Basketball)

Boondheere waxyaabaha ee caan ku tahay waxaa ka mid ah soo saarida Ciyaartooy & mas'uuliyiin fara badan oo ku caan noqday Kubaddaha Cagta iyo Koleyga isla markaana xubno muhiim ah ka noqday Xulalkii degmooyinka, gobalada, iyo seriya A iyo qaar kala dambeeyey ee metalay Qaranka Soomaaliya.

Haddii dhowr shaqsi laga magacaabo Xiddigaha Qaran ee ku dhashay kuna soo barbaaray Degmada Boondheere waxaa ka mid ah; Gudoomiye Faarax Sendiko(marxuum), Gudoomiye Aadan Xaaji Yabarow Wiish(marxuum), Macalin Ayuub Sh. Abuukar "Ayuub Jeenyo"(marxuum), Macalin Baaskuwaale, Macalin Cabdi Cumar, Xaaji Macow Sayid "Jeenyo", Nuur Qaloocow, Baasi, Cali Yuusuf(marxuum), Axmed Cabaas Busuri, Cali Salaad(marxuum), Zakariye Baliile, Turumbo, Cabdi Boy, Cumar Calasow Raagge, Aajeelow, Nuur Cabdi Xaaji "Shaarkey"(marxuum), Sayidkey, yaxya cumar( Fiteli ama aqaama ), c/raxman uurey salaankey, maxamad nuur (moosjaqe),Macalin Aweys Hiraabe, Dr. Shiis, Cabdalla Dheere, Nuuradiin Cali Saciid, Cumar Anyeelow(marxuum), Akooko, Maxamuud Cadow "Dhaga juun", Ganjab, Xasan Gololeey, Yaxye Islow, Macoow Xuseen Xasan Geedi, Macalin Laalaash, Aabaliisha, Gudoomiye Wabazuu, Xaynuuf, Kamaludiin, Macalin Abukar sheekh muumin (Qamacow) sheekh cusmaan (elaay), Maxaadi, naani, Jaani (Boore), Max,ad (Enow), iyo Ciyaartoy kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin

Waxaa kale oo Degmada Boondheere aad loogu xusuustaa tartamaddii lagu qaban jiray Garoonka Kubadda Cagta eoo ku yaal Xarunta Degmada horteeda. Sanad walba Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa Garoonka Waamo lagu qaban jiray Tartan Kubadda Cagta oo ay ka soo qeyb geli jireen Ciyaartooyda ugu farsamada fiican ee xilliyadaa ku noolaa dhammaan degmooyinka Caasimadu ka kooban tahay. Tartanka Ramadaanka oo aad u xiiso badnaa áyaa waxa u soo daawasho tegi jiray Dadweyne ka kala yimid degaano fog sida Degmooyinka Wadajir iyo Heliwaa. Xiiso loo qabo darteed ayeey Taageerayaasha Kubadda jecel door bidi jireen inay goob joog ka ahaadaan cayaar walba ilaa iyo firimbiga ugu dambeeyo la yeeriyo, ka dibna waxay u afur doonnan jireen guryahooda oo ku yaal Degmooyinka kor ku xusan.

Sidoo kale Garoonka Kubadda Koleyga ee ku yaal guddaha Xarunta Degmada ayaa waxaa inta badan lagu qaban jiray Tartanka Kubadda Koleyga ee u dhaxeeya Xulalka ka socda dhammaan Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir. waxaan ka mid ahaa dhalinta ugu yar ee degmada ee waxaa lee dhahaa asad yaxye

Fanka iyo Suugaanta

Degmada Boondheere waxay kale oo caan ku tahay Fanka iyo Suugaanta. Kuwooda xagga Lookalka(Degmada) ugu cad-cadaa waxaa ka mid ahaa: Jidoow Maxamed, Baaba Tiirka, Maka Juuni, Maryan Xabasho. Xarunta Kacaanka Degmada Boondheere oo loo yaqaan magaca "Sheentarka" ayaa waxaa waagii Berisamaadka Fiidadkii lagu qaban jiray Barnaamijyo Maaweelo iyo Maddadaalo ah, sida Riwaayadaha Banaadiriga, Goo-Goosyo Heeso & Tartanka Hiddaha & Dhaqanka. Hadii sidoo kale dhowr magac laga xuso Fanaaniinta Qaran ee caan ku ahaa Hiddaha & Dhaqanka(Folklore Dance) waxaa ka mid ah: Canbuureey(marxuumad), Caashoow Aabaliisha, Xaawo Xaaji Colow, Cali Ganeey, Cumar Bare Barkaan(marxuum), Dheri, C/qaadir Cismaan Calasow, Ciise Maxamed Jidoow & Sheekh Abuukar.

Magacyada

"Beledkeena Waa Boondheerow-Libaax" Waa Halku Dhiga Shacabka reer Boondheere Degmadooda ugu Naaneysaan.

Degmooyinka xuduuda la leh

Wasaaradaha

Wadooyin

Dugsiyada

Masaajidyo & Mowlac

Suuqyada

Goobo Caafimaad

Goobo Madadaalo

Xarumo Dowladeed

Goobo Isboorti

Safaaradaha

Goobo Caan Ah

Tixraac