Cayr waa beel ka mid ah bahweynta Habargidir ee Hawiye[1]. Cayr waa curadka Madarkicis Hiraab amaba Habargidir sida loo yaqaan. Odayga Cayr magacisi waa Maxamed madarkicis [2], waxaa dhashay hooyo Casho Gidir Karanle.

Besha Cayr waa beesha ugu weyn beesha Habargidir; waxay degtaa beeshu meelo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe iyo gobolo ku yaala badhtamaha wadanka Soomaaliya sida Galgaduud oo xarun u ah beesha, Mudug iyo Hiiraan. Beesha waxey sidoo kale deegaano baaxad weyn ku leeyihiin gobolada waqooyi sida Sool iyo Togdheer ee ka tirsan maamulka Somaliland.

Waxaa intaas u dheer in beesha degantahay gobolka Shabeelaha hoose oo ey saameyn xoogleh ku leeyihiin beeshu. Beesha Cayr waxey sidoo kale degaan caasimada dowlada Somalia ee gobolka Banaadir, Muqdisho waxeyna ku leeyihiin saameyn aad u xoog badan waana beesha ugu muhiimsan gobolka banaadir xaga ganacsiga, dhaqaalaha, siyaasada iyo wax soo saarka caasimada.

Beesha waxay sidoo kale deegaano caan ah iyo dhul balaaran ku leedahay dalka Ethiopia welibo waxey si mugleh u degta gobolada Qorraxey iyo Shabeele ee ka wada tirsan DDSI. Deeganada caanka ah ey beesha ku leedahay waxaa kamida:

Labobaar- oo ah xarunta beesha dhinaca Itoobiya, Baarmagoog, Ceel Habreed, Ceel dhiinle, Garasle, Baarsiyaable, Buulo Coloow, Balli God, Haamanyaaaq, Ribadleh, Dalanbiya iyo deegaano kaloo badan. Waxey sidoo kale degaan magaalooyin qaar ah oo ey walaalahooda Hawiye la wada degaan sida Mustaxil iyo Qelaafo

Hordhac

Besha waxa lagu tiriyaa dadka ugu horeeyay ee dalka keenay ama soo celiyay adeegyada daruuriga ah ama lagama maar maanka ah sida isbtaalada hooyada & dhalanka Banaadir, Shifo Hospital hurwaa, Dawoyinka sida SHIFA pharmacy, Cuntada sida Warshada burka iyo badarka ee sahal (waxara cade), warshada Omada iyo saabunta Dalsan, iyo warshad shaambada iyo Som-electric. Waxaa si weyn loogu xasuusan karaa Shirkadaha isgaarsiinada Interneyada sida: Global internet iyo Stanard internet, waxay kaloo masuul ka ahaayeen shirkada Coca-cola. beesha waxa kaloo aan ku xasuusan karnaa dadkii ugu horeeyay oo keeno isgaarsiinta ey dadka ku wada xiriiraan tan markii ey meesha ka baxday dowladii dhexe ee soomaaliyeed taasoo bulshada soomaaliyeed aad ugu riyaaqday furida shirkadaha telefanada TELCOM SOMALIA[3] iyo Nationlink[4] waxey beesha ka shaqeysay sare u soo qaadida iyo hormarka ummada soomaaliyeed tan iyo markii ey meesha ka baxday dowladii dhexe ee soomaaliya.[5][6]

Taariikhda beesha Cayr

halkani dhowaan ka filo qoraal buuxa oo soo bandhigaaya taariikhda fog ee balaaran ee beesha Cayr leedahay.

Dhalashada iyo Abtirka beesha Cayr Maxamed Madarkicis

cayr waa bahma ?

__________________

habargidir macnaheedu waa bahgidir

maadaama ay laba bahood kalayihiin

1, bah casho (raareey naanays xarago ) gidir karanle oo dhashay

1, ciise mudulood markey mudulood kalatageen madarkicis udhashay

2, sifaadle

3, maxamed (cayr naanays)

4, ibraahkm ( saruur naanays) markey kala tageen ogaadeen udhashay

5, muuse gumcadle

2, bah casho wadalaan

caasho kaarshe maxamed muuse gumadle dhiimaale wadmahure daaraanle wadalaan

oo dhashay

1 ,siciid

2 ,saleebaan

______________________________

hadana abtirka cayr maxamed

______________________________

Maxamed Madarkicis waxuu dhalay 2 wiil oo kaliya oo la kala oran jirey Mucle Maxamed oo curad Cayr iyo Habargidir ah iyo Wace Maxamed oo yaraan Cayr ah. Sida qaaraanka loo qeybsado waa 10 jufo oo uu Cayrka u kala baxo balse dhamaantod wey kala taran horeeyeen.


Intaas waa wada dhalashada iyo abtirka beesha Cayr ilaa iyo guri dambeyska beesha Cayr. Sida caadigaa beesha Cayr 10 jufo ayeey u kala baxaan oo qaaraanka loo kala bixiyaa inkastoo xeerar cusub ku soo kordheen. 10ka Cayr maxamed waa

-Ayaanle

-Cabsiiye

-HabarAji

-Yabardhowrakace

-Yabadhaale

-Sabuux(Daaud Abti-edeg)

-Babaanshe

-Caalin Ugaas(Reer Ugaas)

-Xassan Samadoorte

-Suubiye Caroole

10ka Cayr maxamed waa Reero tiro badan waxeyna usii kala baxaan 65 ilaa 70 reer markey u bataan oo diyada iska bixiya waxna iska dhiciya oo magta kaligood baxsada.

Cayrku 3 ayeey wax u qeybsadaan isuknala degaan waana Cayr Qoraxsin, Cayr Bari iyo Cayr Koonfure

•Cayr Qoraxsin ama Bah ina xasan(HOP147) waa

→Ayaanle

→Babaanshe

→Suubiye

•Cayr Bari(HOP139) waa

→Cabsiiye

→Yabardhowrakace

→Xassan Samadoorte

•Cayr Koonfure(HOP138) waa

→HabarAji

→Yabadhaale- Walow ey yabadhaale meel walbo la degaan Cayrka

→Sabuux


-Reer Ugaas cid gooniya lama degaan Cayrku waa u siman yihiin oo waa Ugaasyada.

Dadka Caanka ah

Beeshu waxay leedahay dad caan ka dhex ah ummada soomaaliyeed Sida: Siyaasiyiin, janaraalo, Ganacsato, Odayaal dhaqameydo, Culuma'udiin, Aqoonyahano, Fanaaniin, Abwaano, farshaxaniiste, & Ugaasyo.iyo wax garadka fara badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah:

Siyaasada & Maamulka

=== farshaxaniistaha Beesha

Fanaaniinta beesha

Wariyeyaasha beesha

Abwaannada beesha

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. http://www.abtirsi.com/view.php?person=5142
  2. http://www.abtirsi.com/view.php?person=714&abtirsiLang=0
  3. https://en.wikipedia.org/wiki/Telcom
  4. https://en.wikipedia.org/wiki/NationLink_Telecom
  5. http://www.abtirsi.com/view.php?person=714
  6. https://en.wikipedia.org/wiki/Ayr_(clan)
  7. http://www.mareeg.com/fidsan.php?sid=10850&tirsan=2[dead link]
  8. http://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?t=237671
  9. https://en.wikipedia.org/wiki/Yusuf_Garaad_Omar
  10. https://en.wikipedia.org/wiki/Yusuf_Mohammed_Siad
  11. https://www.facebook.com/abdirahman.abdishakur/
  12. https://www.youtube.com/watch?v=ZJIVu6rVLos
  13. https://en.wikipedia.org/wiki/Ahmed_Abdisalam_Adan
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: