Malmal
Malmal

Malmal, Mal mal (Af-Ingiriis: myrrh). Waa xabag ka soo dareerta geedaha nuuc ka mid ah Commiphora myrrha iyo Commiphora molmol. Waana wax isku darsan kala gadisan walxo kala go'go'an ama noqda dareere.

Qeexista dhirta

Geedka Malmasha wuxuu garaa saddex mitir, wuxuuna leeyahay laaman isku dhexjira. Habka looga soo saaro malmasha waa iyadoo geedka la dhaawaco ama faas lala dhaco waxaana ka soo baxaya dheecaanka loo yaqaan malmasha.

Juqraafi ahaan meelaha laga helo

Waxay ka baxdaa Soomaaliya, Cumaan, Yemen, Woqooyiga Afrika iyo Koonfurta Sacuudiga.

Nuucyada Malmasha

Nuucyadiisa: Malmal Soomaali, Malmal Sacuudi. Nuuca ugu fiican wuxuu u muuqdaa
qaabkiisa mid hufan ama la iska arko nadiif ah kaasoo u muuqda midabka maariinka furan laakiin nuuca deebeysay waa kan ay gasho
midabo maariin ama madow wuxuuna u muuqdaa sida bacaad oo kale.

Adeegsiga dawo ahaan

Tixraac

Xog

Maqaal kaan malahan xigasho ama xog xaqiijin ah. Fadlan ka caawi hagaajinta maqaalkaan in aad ku soo darto xigashooyin lagu kalsoonaan karo. Qoraalada aan laheen xog caddayn ah waxaa dhici karto in laga saaro meeshaan.

Waxaa kale o loo adeegsada Marka guriga bahal hoose(mas abeso..iwm) ay soo galaan in lagu shido.