Haafniyaam

Curiyaha Haafniyaam.

Haafniyaam (ingiriis: Hafnium) astaanta (Hf) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay todobaatan-iyo-labo (72). Curiyaha Haafniyaam waa bir ka tirsan Transitional Metalska ee guruubka 4aad ee Diwaanka Curiye, taas oo miisaankeedu yahay 178.49.

Curiyahan Haafniyaam waxay leedahay midab madoow iftiimaya, iyo falgal kimiko oo u dhow Sirkooniyaamta. Inta badana waxaa la helaa ayadoo ku jirta macdanta Sirkooniyaamta.

Curiyahan waxaa loogu magac daray caasimada dalka Denmark ee Copenhagen oo luuqada Latinka lagu dhaho Hafnia. Maadaama haafniyaamtu tahay gudbiye dabka iyo korontada waxaa laga sameeyaa xadhkaha korontada iyo sheeyo kale oo korontada la xidhiidha.


Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.