Molybdenum

Curiyaha Molybdenum.

Molybdenum (ingiriis: Molybdenum) astaanta (Mo) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay afartan-iyo-labo (42). Curiyaha Molybdenum waa bir ka tirsan Transitional Metalska ee guruubka 6aad ee Diwaanka Curiye. Sidoo kale, waxay ka tirsan tahay guruubka loo yaqaan d-block.

Curiyahan Molybdenum waxaa dadku aqoon u lahaayeen tan iyo qarniyo badan, laakiin sanadkii 1781kii ayaa curiye ahaan loo aqoonsaday.

Molybdenumta lama helo ayadoo kaligeed ah, laakiin waxaa la arkaa ayadoo ah macdano ku ladhan Ogsajiin. Molybdenumta marka laga sifeeyo isku dhisyada ay ku jirto, waxaa soo baxa bir adag, leh midab cagaar-madoow xiga, waana curiyaha 6aad ee leh bar dhalaalinta ugu sareeysa.

Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.