Hasiyaam


Hasiyaam (ingiriis: Hassium) astaanta (Hs) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay boqol-toban-iyo-sideed (108). Curiyaha Hasiyaam waa bir ka tirsan Transitional Metalska ee guruubka 8aad iyo heerka 7aad ee Diwaanka Curiye iyo guruubka d-block.

Curiyahan Hasiyaam waa bir adag, leh midabka naxaasta oo cadaan xiga, oo ka tirsan guruubka Balatiniyaam, kuwaas oo leh astaamo dhaqan falgal aad u hooseeya.

Curiyaha Hasiyaam waxaa loogu magac daray saynisyahan Jarmal ah Hesse. Waana curiye lagu samayn karo laabka (laboratory) - taas macnaheedu waa lama helo curiyahan si dabiici ah. Curiyahan Hasiyaam waa radioactive leh 3 isotope, kan ugu dagani waa 269Hs, taasi oo leh cimri aad u gaaban 9.7 ilbiriqsi. Laakiin isotopeka labaad oon la hubin daganaanshihiisa 277Hs, ayaa leh cimri ka dheer kan hore taasi oo dhan 11 daqiiqad.


Xigasho


Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.