Miraha iyo ubaxa geedka huruuda 
Beer geedk huruudda ah, Hindiya

 

Ubax, Cooktown, Queensland, Australia

Huruud   (Af Carabi : arAf Ingiriis : Turmeric) waa geed dhireed iyo xididkiis oo oo ka mid ah bahda sanjabiisha meesha laga helay ayaa ahayd koonfur galbeed Hindiya, wuxuuna u baahanyahay heer kul 20 ilaa  30 °C (68 و 86 °F) ah iyo roob badan si uu u ubaxeeyo, taasoo keenta hoosta inuu ku yeesho xidid sidii quwaax oo kale ah, markii aan caadi loo cunayn waa la kariyaa xididka ka dibna waa la qallajiyaa iyadoo la adeegsanyo foorno kulul ka dibna waa la tumaa ama la shiidaa si ay budo midab huruud ah leh u noqoto. hindida iyo bakistaaniyiinta ayaa caan ku ah inay ku darsadaa cuntada marna u adeegsadaan in jirka la marsado si uu u siiyo iftiin iyo muuqaal qurxoon.[1][2][3]

Xididka iyo isagoo Budo laga dhigay.

Cilmi Baaris lagu sameeyay

Cilmibaarradaas qaarkood waxay sheegeen inuu geedkaan gali karo badalka illaa 10 daawo oo maanta dunida aad looga isticmaalo.

hadaba cudurrada ay cilmibaaradaas badankood isku raaceen inuu daawo u yahay waxaa ka mid ah:

diraasadaha mid ka mid ah waxay hruduuda ku tijaabisay dad qaba xanuunka roomaatiisamka iyadoo la barbardhigay daawada "diclofenac", waxaa la arkay dadkii qaatay huruuda inay ka xanuun yaraayeen, shaqadooda si sahlan u qabsadeen iyagoo wax waxyeello ah ku reebin, sidaas daraadeed shirkado ayaa bilaabay inay qaab kaniini capsule ah ka dhigaan si loogu adeegsado xanuunka roomaatiisamka iyo riixa.

Adeegsiyo Kale

Waxaa kaloo huruuda loo isticmaalaa carfinta cuntada iyo midabaynta cuntada, inkastoo dadkeena qaarkood ay cuntada ka ilaashadaan in ay u isticmaalaan.[7]

Soomaaliya ma lagu beeri karaa

Huruuda asalkeeda waxay ka timid dalka Hindiya, halkaas ayaana dunida badankeed looga dhoofiyaa, laakiin wadamo badan oo beertay ayaa jira, taariikhda huruuda markii laga sheekaynayo waxaa la sheegaa wadankii ugu horeeyay ee la geeyo wuxuu ahaa dalka shiinaha "CHINA", waxaa ku xigay oo la geeyay bariga africa oo la sheego inay timid waqti ku aadan 700 sano ka hor dhalashada nabi ciise, markaasoo doomo lagu keeni jiray xeebaha bariga africa, sidaas ayaana loogu beeray.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dhulalka Huruuda ay ka bixi karto, haddii taariikhda la fiiriyane waa lagu beeri jiray, laakiin nasiib xumo, waxaa hadda lagu beeraa wadamada dariska aan dhahay oo noolaga keenaa iyadoo budo ah, sida ethiopia, kenya illaa Sudan waa lagu beeraa.

Dadka xiiseeyo beerashada geedaha daawada leh khaasatan qolooyinka keenay geedka "Moringa" waxaan kula talin lahaa in la bilaabo beerashada huruuda oo la qiyaasayo in dhulkeena ay ka soo bixi karto huruud tayo leh.[8]

Sidee loo isticmaalaa Huruudda?

Huruudda iyadoo qallallan iyo iyadoo qoyan intaba waa la isticmaalaa, faa'idadane waxay ku badan tahay midda fresh-ka ah oo qoyan ama isla markaas la shiiday, cunis iyo cabitaan intaba waa loo isticmaalaa, waxaa jirta siyaabo kala duwan oo loo isticmaalo waxaana ugu caansan qaababkaan:

Fiiro Gaar ah

Dad badan ayaa geedkaan ku qalada Zanjabiisha inkastoo ay isku bah yihiin hadana isku mid maaha.[10]

Tixraac

  1. . Merriam-Webster Dictionary. 2015 http://www.merriam-webster.com/dictionary/turmeric.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Priyadarsini KI. Molecules. 19 (12): 20091–112. PMID 25470276. doi:10.3390/molecules191220091 http://www.mdpi.com/1420-3049/19/12/20091/htm.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Prasad, S; Aggarwal, B. B.; Benzie, I. F. F.; Wachtel-Galor, S. Benzie IFF, Wachtel-Galor S, eds. CRC Press, Boca Raton (FL). PMID 22593922.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2017-04-18. Soo qaatay 2016-06-01.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2017-04-18. Soo qaatay 2016-06-01.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  6. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2017-04-18. Soo qaatay 2016-06-01.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2017-04-18. Soo qaatay 2016-06-01.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  8. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2017-04-18. Soo qaatay 2016-06-01.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  9. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2017-04-18. Soo qaatay 2016-06-01.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  10. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2017-04-18. Soo qaatay 2016-06-01.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)