Shunburo | |
---|---|
![]() | |
Shunburada cad iyo cagaarka ah | |
![]() | |
Shunburo | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Angiosperms |
(darajo la'aan): | Eudicots |
(darajo la'aan): | Rosids |
Dirka: | Fabales |
Bahka: | Cowsleyda |
Duulka: | Firi Siser |
Noocyada: | C. arietinum |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Cicer arietinum Karl Linnaeus | |
Eray la mid ah[1] | |
|
Shurburo (Af Ingiriis : Chickpea; Af Carabi : ar) Saynis ahaan loo yaqaano "Cicer arietinum" waa midho firi ah oo ka baxda geedka loo yaqaan ganbanzo.[2][3]
Shunburadu waxay xubin ka tahay dhirta qaniga ku ah nafaqada borotiinka ee firileyda ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah.[4]
Sida lagu ogaaday cilmibaadhis aarkiyooloji ah, geedka shunburada waxaa laga beeran jiray caalamka wakhti aad u dheer oo lagu qiyaasay ilaa 7,500 sano deegaano ka mid ah deegaanada Carada Nafaqeysan ee Bariga Dhexe.
Geedka shunburada waxaa laga beeran jirey caalamka wakhti aad u dheer, taasi oo loo isticmaali jirey cunto ahaan. Asal ahaan geedku wuxuu ka soo jeeda qaarada Aasiya, gaar ahaan deegaanada leh Carada Nafaqada leh. Dhowr cilmibaadhis oo meelo kala duwan lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday in meesha ugu taariikhda fog ay tahay deegaano ka mid ah Bariga Dhexe, halkaasi oo ilaa 7,500 sano ka hor lagu beeran jirey. Cilmibaadhis kale waxay sheegtay in ilaa 3,500 sano ka hor laga beeran jirey Shunburada deegaanada koonfurta Turkiga.[5]
Qiyaastii 800 sano C.H (Ciise Hortii) ayaa geedku soo gaadhay deegaanada Waqooyiga Afrika halkaasi oo mudadii xigtay ay uga soo gudubtey qaaraa Afrika iyo Koonfurta Yurub.[6] Sidoo kale, qoraalo la sameeyay sanadkii 1793 oo ka waramayay geedka bunka ayaa waxaa laga dhax helay maqaalo ka hadlaya shunburada ka baxda wadanka Jarmalka, waxaana la odhan kara iney wadankaasi gaadhay wakhti aad uga horeeyay taariikhda kor ku xusan.[7][8]
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)
![]() |
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |